Madaxweyne Erdogan oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay isaga oo aad u careesan

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa hanjabaad culus mar kale hawada u marsiiyay milatariga iyo taliska dalka Siiriya , kadib weeraro lagu dilay ciidamo katirsan milatariga Turkiga oo ka dhacay gudaha Siiriya.

Erdogan oo wajigiisa caro badan ka muuqatay ayaa sheegay in militariga dalkiisa ay cirka iyo dhulka ka weerari doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Siiriya, hadii ay mar kale waxyeelo gaarsiiyaan ciidamada Turkiga .

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay ka go’an tahay inay ciidamada dowladda Siiriya  ka durjiyaan goobaha kormeerka ee gobolka waqooyiga galbeed ee Idlib, ka hor dhammaadka Bishan Febraayo.

Turkiga oo xulufo la ah qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda madaxweyne Basha Al-Assad ayaa Talaadadii qaaday weerar jawaab ah kadib markii ciidamada Siiriya ay duqeymo ka dhacay Idlib ku dileen 13 askari oo Turkish ah, 10-kii maalmood ee tegay.

“Haddii dhaawaca ugu yar la gaarsiiyo ciidamadeena, waxaan halkan uga dhowaaqayaa inaan ciidamada Siiriya ku beegsan doonno meel kasta ay joogaan,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Xiisadda Idlib ayaa sidoo kale dhaawacday xiriirka Ankara iyo Moscow. Wakaaladda wararka TASS ee Siiriya ayaa maanta sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen taleefonka iskuna raaceen inay sii wadaan xiriirkooda Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -