Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo fariin Muhiim ah u diray dhigiisa Numan Kurtulmuş

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka la doortay ee dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, Alle ugu baryay inuu mas’uuliyada culus ku asturo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in la adkeyn doono xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Xiriirkaas ayuu sheegay inuu udub dhexaad u noqonayo wada shaqeynta iyo aqoon is weydaarsiga labada Baarlamaan oo sidoo kale buu yiri is dhaafsan doona tababarada iyo khibradaha maamulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan lagu dilay magaalada Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo la magacaabay

Cabdi Cade

Dawladdaha Hoose ee Muqdisho & Kigali oo heshiis iskaashi kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---