Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo la kulmay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalkeenna.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya  iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso, waxa uuna tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeysay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka ilaalada Kacaanka ee dalka Iran

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay Macalin Bilaal Jeylaani Nuure & xubno kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Putin oo ku dhawaaqay isbedel halis ah oo uu ku sameynayo hubkiisa Nuclearka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---