Maraykanka oo la baxay safiiraddii u fadhiyay saddex dal & sabab yaab leh oo ka dambeysa

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ugu yeeray safiiraddii u fadhiyay saddex dal oo ka tirsan Laatin Amerika kaddib markii waddamadan ay xiriirka u jareen Taiwan si ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Shiinaha.

Safiirada Mareykanka u fadhiya dalalka El Salvador ,Jamhuuriyadda Dominic iyo Panama ayaa dib ugu laabtay Washington sii wadatshiyo ku aadan arrintaasi loola sameeyo.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in sababta go’aankan loo qaaday ay tahay in isbaddallo ay doonayaan inay ku sameeyaan xiriirka diblumaasiyadeed.

Dalka El Salvador ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inuu xiriir la yeeshay xukuumadda Shiinaha.

dowlada Shiinaha ayaa Taiwan u aqoonsan dhul uu iyadu leeyahay, mana ogola in xiriir diblomaasi lala yeesho.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay saamaynta xiriirka diblumaasiyadeed ee sare u kacaysa uu Shiinaha ku la yeelanaya dalalka Laatin Amerika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -