Daawo Sawirada: Farmaajo oo kormeeray xarunta Degmada H/Wadaag oo dhawaan la weeraray

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeer ku tagay xarunta Degmada Howl Wadaag oo maalintii axada weerar ismiidaamin ah lagu qaaday.

Farmaajo ayaa soo qiimeeyay khasaaraha uu qaraxaasi gaarsiiyay xarunta degmada Howl Wadaag iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, waxa uuna Madaxweynaha arkay bur burka xarunta iyo sidoo kale Masaajid xarunta ku agyaala.

Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al Shabaab ku qaadeen xarunta degmada Howl Wadaag, waxa uuna sheegay in weerarkaasi Al Shabaab ku dileen dad shacab ah ay ku jiraan caruur dugsi quraan dhiganeysay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in xarunta Degmada Howl Wadaag iyo masjidka qaraxa uu khasaaraha xoogan uu kasoo gaaray si deg deg ah loo dhisayo, waxa uuna sheegay in shacabka la qeyb sanayaan dhibaatada qaraxaasi kasoo gaartay.

Weerar ismiidaamin ah oo axadii lagu qaaday xarunta degmada Howl Wadaag waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah ay ku jiraan caruur dugsi quraan dhiganeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -