Saciid Ciise: “Deni wuxuu soo tuuray falaar sumeysan oo Villa Somalia aysan iska difaaci karin”

Gudoomiyaha xisbiga Dadka Soomaaliyeed  siyaasiga Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa si weyn u soo dhoweeyey doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee shalay ka dhacay Puntland.

Doorashadan oo ay ka qeyb qaateen dad gaaraya 400.000 oo kun ayaa lagu soo dooranayey goleyaasha degaanka illaa 30 degmo oo ka tirsan Puntland.

Prof. Saciid Ciiseayaa doorashadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ku dayasho mudan, isagoo Madaxweynaha iyo shacabka Puntland ku amaanay sida ay uga dhabeeyeen qabashada doorashooyinkaas.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Deni waa codeeyey, wuxuuna cadeeyey dhagarta qaawan ee madaxdii hore ee Soomaaliya oo gudan waayey xilkiisii ahaa qabashada doorasho qof iyo coda, wuxuuna sidoo kale shaki geliyey kuwa hadda jooga iney karti u leeyihiin qabashada doorasho ay dadku si toosa codkooda u dhiibtaan” ayuu yiri Prof. Saciid Ciise oo dhowr mar isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Somalia.

“Madaxweyne Deni wuxuu soo tuuray falaar sumeysan oo ay ku adag tahay iney iska difaacaan madaxtooyada Soomaaliya, balse ay u tahay waran arxandaro ah oo haleelay hambalyadii goodiska ahayd ee madxii hore ee Villa Soomaaliya uu u soo diray Puntland, Jawaabtaas arxandarrada ah oo maanta cadeysay ceebta khilaafkii Puntland iyo madaxii hore ee Soomaaliyau cida iska lahayd iyo wixii la isku hayey oo ay maanta Puntland keligeed ku guuleysatey iney qabato, waxeyna taas ay cawaaqibxumo u horseedeysaa iney rajoxumo ku reebto damaca soo noqoshada madaxii hore ee Villa Soomaaliya” ayuu intaas ku daray Prof. Saciid Ciise oo Barre ka ah Jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

Gudoomiyaha xisbiga Dadka Soomaaliyeed  ayaa intaas ku daray in shacabka Puntland ay fariin xambaarsan dareen baraarug ah u soo direen shacabka kale ee Soomaaliyeed.

“Shacabka Puntland waxey dhiibashada codkooda ay fariin cad ugu soo direen shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu sheegayaan iney awooda dowladda ay dib ugu soo ceshadaan gacmahooda oo ay madaxdooda si toosa codkooda ugu soo doortaan, taasina waa fariin shacabka Soomaaliyeed lagu baraarujinayo in wixii ay qabatay Puntland ay Soomaaliya qaban karto, haddii kale ay ka dhiidhiyaan hogaanxumada haysata’ ayuu hadalkiisa ku soo xiray Prof. Saciid Ciise.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -