Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed asagoo kala hadlay in kaalintooda odeynimada ah qaataan.

Kulanka odayaasha dhaqanka iyo Guddoomiyaha ayaa diirada lagu saaray sida wajiga koowaad ee dib u heshiisiinta loo mira-dhalin lahaa, waxaana odoyaasha dhaqanka loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii madmadow ah ee Ka dhex jira bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo boggaadiyay doorka odayaasha dhaqanka iyo ilaalinta dhaqankeena ku aaddan xalinta khilaafaadka ayuu ku tilmaamay mid mudo soo jirtay, odayaashana ay laf dhabar u yihiin is dhexgalka iyo nabada bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Toogasho ka dhacday magaalada Manchester ee dalka Britain (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Mahadcelin u diray Madax kala duwan oo ka hadlay Dabkii Hargeysa

Cabdi Cade

Golaha Amaanka oo maanta ansixinaya qaraar Somalia ku saabsan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---