Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo arrimo yaab leh kala hadlay danjiraha Kenya u fadhiya Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Thomas K. Chepkuto.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda alshabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay Guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee Howlgalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtoyada Hirshabelle.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Haweenka, ayaa sidoo kale looga hadlay fatahaadaha baahsan ee uu wabiga shabeelle ka geystay Magaalada Beledweyne kaasoo sababay barakaca bulshada Magaalada.

Dad badan ayaa isweydiinaya waxaa safiirka Kenya ka galay amniga Hirshabelle maadaama aysan degaanada maamulkaas joogin ciidamada Kenya ee ka tirsan ATMIS, sidoo kale waxaa la isweydiinayaa waxaa ay soo kordhineyso in Kenya lagala hadlo fatahaada webiga Shabelle uu ka geystay Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga iyo Iran oo gaaray heshiis loo riyaaqay iyo Dowlad weyn oo ka shaqeesay heshiiska

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay lix Nin oo ay Dambiyo ku eedeeyeen (Magcayada)

Cabdi Cade

Ciyaartii finalka ee Xulalka da’yarta Somalia & Tanzania oo goor dhow dhamaatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---