Madaxda dowlad goboleedyada oo si kulul u dhaleeceeyey dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Madaxda Maamul gobaleedyada ka jira dalka ayaa maanta waxaa uu shir uga furmay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, iyadoo shirkana uu yahay mid aad xasaasi ah.

Waxaa ka qeyb galaya Hogaamiyaasha  Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed,  Hirshabelle iyo hogaamiyaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadkayo ayaa waxaa ka mid ah khilaafka ka dhexeeya dowlad goboleedyada qaarkood iyo dowlada dhexe ee  ku saleysan fulin la’aanta dhinaca dowlada ee heshiisyadii horey loo wada gaaray.

Waxaa sidoo kale, shirkan looga hadli doonaa qodobo kale oo ay ka mid yihiin qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweyaha Jubbaland oo furay shirka ayaa ka hadlay dhibaato uu sheegay in maamul goboleedyada ay ku qabaan hab dhaqanka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyay in madaxda ay ku mashquulsan yihiin curyaaminta dowlad goboleedyada iyo sidii ay ku soo laaban lahaayeen markale.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in meel xun uu gaaray ammaanka dalka Soomaaliya, wuxuuna u sababeeyay inaan la fulin balamihii dhanka amaanka iyo heshiisyadii horey loo gaaray.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka aaney waxba ka fulin, isagoo dhinaca kale.

Gaas waxaa uu sheegay in mushahar la’aan iyo daryeel la’aan iyo ka warqab la’aan ay heysato ciidamada dowlad goboleedyada oo uu sheegay in aan loo daryeelin sida loo daryeelo ciidamada ku sugan Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay isbideen inay leeyihiin talada dalka, taasoo caqabad badan dhalisay, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga fakaro halis uu sheegay iney Soomaaliya hortaallo.

Shariif Xasan Shiikh Aadan madaxweynaha Koofur Galbeed wuu ka leexday wadada ay mareen saaxiibadiis ka horeeyey oo hadalkoodu u badnaa dhaleeceynta dowlada dhexe, isagoo ka hadlay arrimaha amaanka oo uu sheegay iney Dhibaatada ugu badan ka jirto ayuu ku sheegay dhanka amaanka.

Wuxuu si cad u sheegay in madaxda maamul goboleedyada aysan isku aragti ka aheyn sida loola dagaalami karo Al Shabaab, loona baahan yahay in marka ugu horeysa madaxda maamul goboleedyad ay isku aragti ka noqdaan sida Al Shabaab looga saari karo dalka.

Maamul goboleedyada ayuu sheegay inaysan sax u aheyn in nidaamka federaalka ku hayaan kaliya caasimadaha oo loona baahan yahay inay gaarsiyaan degaanada kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isna goobta ka hadlay ayaa in dib u heshiisiintii ugu dambeysay ee uu ka qeyb galay ay aheyd tii dhexmartay Galmudug iyo Ahlu sunna, isagoo xusay inuusan helin qof kaga mahadceliso dadaalkii uu sameeyay laakiin badalkeeda madaxda dowladda ay ku abaal mariyeen sidii isaga xilka looga qaadi lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -