Daawo Sawiro : Sidii ay u dhacday Doorashadii Xildhibaanimo ee uu ku guuleystay Generaal Gaafow

Waxaa maanta Doorashada Kursi ka banaanaa aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dhacday magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, waxaana doorashadan kusoo baxay Generaal C/Laahi Gaafow Maxamuud.

Hoolka doorashada ka dhaceysay Waxaa ku sugnaa Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano katirsan  Baarlamaanka Federaalka, Madaxa Xukuumada Galmudug, Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha munaasabadaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo Jen. Gaafow ugu hambalyeeyey kursiga xildhibaanimo ee loo doortay, wuxuuna xusay in beeshu ay ayidsan tahay doorashadiisa, ayna gacan ku siin doonaan gudashada waajibaadka loo xilsaaray.

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa hambalyada ka sokow waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay sharaf u tahay in doorashadii labaad lagu qabto magaalada Dhuusamareeb tan iyo markii Galmudug la mideeyey taasoo uu sheegay inuu ku soo baxay Jen. Gaafow oo uu u rajeeyey inuu ka soo dhalaalo xilka Qaran ee loo doortay.

Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo gebagebgadii munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyey ergooyinkii doortay iyo kuwa aan dooraninba, guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, musharixii la tartamay iyo dhamaan masuuliyiintii kala duwaneyd ee goob jooga ka aheyd doorashada maanta ka dhacday Dhuusamareeb.

Jen. Gaafow ayaa sheegay inuu faraxsan yahay kursiga Xildhibaanimo ee loo doortay, wuxuuna balan-qaaday inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono bulshada, uuna ilaalin doono sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaalla.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -