Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Feeryahankii caanka ahaa ee Mike Tyson oo mar kale soo laba kacleeyey, dhowaana la tartamaya..

Feeryahankii caanka ahaa ee mar ahaan jiray horyaalka miisaanka culus ee dunida, Mike Tyson ayaa shaaciyey inuu  dib ugu soo laabanayo tartamada feerka xili uu horey u shaaciyey inuu ka fariistay.

Waxay fooda is dari doonaan feeryahanka Roy Jones Jr oo afar jeer ku guuleystay horyaalka miisaanka culus ee feerka dunida, iyadoo tartanka labada nin la muddeeyey inuu ka dhaco magaalada Los Angeles 12 bisha soo socota ee September

Tyson oo haatan 54 jir ah ayaa markii ugu dambaysay ee uu tartan feer ah galaa waxay ahayd 2005 xiligaasoo laga adkaaday ka dib markii uu la tartamay feeryahanka reer Ireland ee Kevin McBride.

Waxaa guul darradaasi ahayd tii lixaad ee uu la kulmo Tyson 58 tartan oo uu galay, hase ahaatee Ninkan uu dhowaan la tartamayo oo Maraykan ah da’diisuna tahay 51 jir, ayaa qudhiisu tartamin tan iyo 2018 markii uu ka guulaystay Scott Sigmon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo si adag u beenisay Warar been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade

Al shabaab oo saaka weerartay saldhig ay leeyihiin Ciidanka DF

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaal weli ka socda xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---