Baaderi caan ah oo Ceeb & fadeexad kala caraabay aas uu ka qeyb galayey (Daawo Sawirro)

Baadariga hormuudka u ahaa munaaasabad loo sameeyey aaska gabadhii heesaaga ahayd Aretha Franklin ayaa raali galin siiyey Ariana Grande kadib markii lagu eedeeyey inuu masrax ku taataabtay oo uu gabadhaas oogada ka salaaxay.

Sawirrada ayaa muujinaya baadari Charles H Ellis III oo dhexda haysta Ariana asagoona gacmaha ku tuujinaya qayb ka mid ah xabadka gabadhaan heesaaga ah.

“”Way dhici kartaa inaan xadka dhaafay, waxaase laga yaabaa in aan ahaa wadeey ama qof la yaqaan Marna ujeedkaygu maahayn in aan taabto haweeney naaskeeda, balse saasoo ay tahay, raalli galin ayaan bixinayaa” ayuu u sheegay saxaafadda.

Wadaadkan ayaa sheegay inuu xabadka galiyey fanaaniinta oo idil, rag iyo dumarba, intii ay socotay munaasabadda aaska boqoradii muusiga Soul.

Hase ahaatee dadkii daawada yaasha ahaa ayaa bilaabay in ay faafiyaan sawirrada markii Ariana ay u sara kacday in ay qaaddo heestii ahayd (You Make Me Feel Like) oo ay qaadi jirtay Aretha Franklin oo ah haweenayda geeriyootay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -