Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasi Caan ah oo ka hadlay ka saaristii Hay’ada NISA Generaal Cabdalla Cabdalla

Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’ada Nabad Sugida Generaal Cabdalla Cabdalla Maxamed laga saaray Xubanimadii Hay’ada Nabad Sugida.

Siyaasiga C/Raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay Go’aanka Nabad Sugida kasoo baxay ee Jeneraal Cabdalla looga saaray Hay’ada Nabad Sugida uu mudo 6-sano ka ahaa Taliye kuxigeen.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Facebook ku baahiyay Siyaasiga

Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed waraysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA wuxuu ku sheegay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee (NISA) la burburiyey, xogtii iyo sirtii hay’adana gacantana loo geliyey Alshabaab. Jeneraal Cabdalla oo aan si wayn u aqaano wuxuu 6 sano ahaa taliye ku xigeenka NISA, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii duruufaha adag kusoo shaqeeyey.

Horay xilkii ayaa looga qaaday, isagoon xilka lagala wareegin ayaa ninkii isaga lagu bedelay xafiiskiisii jabsaday, maanta fariin amar kiisa lagu qoray ayaa Twitter la soo dhigay laguna sheegay in Jeneraal Cabdalla ciidanka laga saaray, taasoo macnaheedu yahay in xuquuqdii ciidan laga xayuubiyo oo ay ilaaladiisa ka mid tahay si uu baylah ugu noqdo Alshabaab. Cabdalla waa jeneraal, xukun Maxkamad iyo go’aan Madaxweyne ayaa ciidan looga saari karaa.

Tani marag ma doonta ka dhigaysa inta ay la egtahay saamaynta Alshabaab ku leeyihiin NISA. Baarlamaanka Soomaaliya hadii ay damiir wadaniyad iyo dawladnimo jirto waa in ay hor istaagaan burburinta hay’adaha dawlada iyo u gacan gelinta hay’adda ee Alshabaab, hadii kale iyaga ayaa beri wadooyinka lagu lay doonaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo saaka la weeraray

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo mar kale xasuuq ka geystay xerada Jabalia ee Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

In ka badan 180-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo la sheegay in saakay lagu dilay weerar…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---