Taalo Dahab ka samaysan oo loo ekeesiiyay Madaxweyne Erdogan oo rabsho sababtay (Daawo Sawiro)

Taalo dahab ka sameysan oo loo ekeesiiyay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa laga raray magaalada Weisbaden ee dalka Jarmalka ,kadib markii laga baqay in taaladaasi ay sababto isku dhacyo dhiig ku daato.

Barxad kutaala magaalada Weisbaden ayaa la dhigay taalada dahabka ka samaysan ee Madaxweynaha Turkiga oo dhererkeedu yahay 4 Mitir, waxaana taaladaasi lagu dul qoray hadalo naceyb ah sida Hitlerkii Turkiga.

Xaflad labadii sano mar la qabto ayaa loogu tala galay taaladaasi dahabka ka sameysan ee loo ekeesiiyay Madaxweynaha Turkiga, waxaana xaflada sanadkan hal ku dhigeedu ahaa Akhbaar xun.

Magaalada Weisbaden waxaa ka dhacay rabshado kooban oo dhax maray taageerayaasha Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo dad kasoo horjeeda hogaamiyahaasi aadna u dhaliila.

Maamulka magaaladan kutaala dalka Jarmalka ayaa amray in goobta la dhigay taalada Madaxweyne Erdogan si deg deg ah looga qaado si aysan u sababin isku dhacyo dheeraad ah oo dhax mara taageerayaasha Erdogan iyo dadka kasoo horjeeda.

Duqa magaalada Weisbaden , Sven Gerich, ayaa go’aamiyey in  taallada Erdogan  la raro, maadaama aan amniga la damaanad qaadi karin lagana cabsaday in ay dhaliso rabshado xoogan.

Dalka Jarmalka waxaa kunool dad badan oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, dadkan ayaana isugu jira kuwa si weyn u taageersan Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo kuwa mucaarad ku ah.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -