Dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkada Hormuud oo la cambaareeyay (Daawo Sawirada)

Xarunta Talo soo-jeedinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay dood looga hadlayay laguna cambaareenayay bur burinta iyo dhibaatooyinka kale ee Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkada Hormuud.

Doodan waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culumaa’udiin iyo Haween, waxaana intii dooda socotay si weyn looga hadlay dhibaatada ciidamada Kenya ku hayaan Shirkada Hormuud.

Cabdi Xakiin Xasan Iidow oo kamid ah Masuuliyiinta Shirkada Hormuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan shirkada Hormuud ay soo bilaabatay sanadkii 2012-kii, waxa uuna sheegay in dhibaato badan ciidankaasi u geesteen Shirkada.

Waxa uu xusay Masuulkan katirsan Hormuud in ciidamada Kenya ay gubeen sidoo kale dad ku dileen xarumo badan oo Shirkada ku leedahay gobolada dhaca Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna ugu baaqay dowlada in ay wax ka qabato dhibaatooyinkaasi.

Danjire Cabdiraxmaan Diinaari oo kamid ah Masuuliyiin Hay’ada Talo soo-jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada ciidamada Kenya ku hayaan shirkada Hormuud, waxa uuna ugu baaqay Kenya in magdhaw iyo raali galin ka bixiso falalka ay ciidankeeda geesteen.

Waxa uu ugu baaqay Diinaari dowlada Federaalka Soomaaliya in aysan ka aamusin dhibaatada lagu hayo Shirkada Hormuud kalana hadlaan dowlada Kenya dhibaatadii horey u dhacdady iyo sida looga hortago dhibaatooyin kale oo dhaca.

Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay doodan ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dhibaatada ciidamada Kenya u geesteen Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, waxa ayna dowlada ugu baaqeen in ay wax ka qabato dhibaatadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -