Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen iyo Jamse Swan oo Shan arrin kawada hadlay

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Madaxweyne Laftagareen iyo James Swamn oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ayaa waxa ay  kawada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid ahaayeen arrimaha  siyaasada, Amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowlada.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan booqashadiisa magaalada Baydhabo iyo taageerada ay la garab taagan yihiin maamulka iyo Shacabka Koonfur Galbeed.

Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa safaro ku tagaya qaar kamid ah dowlad goboleedyada, kuwaa uu kala hadlay xaaladaha ka jira deegaannadaasi iyo taageerada Qaramada Midoobo ay siiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax  Nuur Ismaaciil oo dad dan yar ah Deeq Lacageed gaarsiiyay (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in weerar qorsheesan ku dileen 9-qof oo Kenyan

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo wajahaya xaalad halis ah & DF oo ka indho-qarsatay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---