Deni oo DF ku dhaliilay arrinta Laascaanood, fariin culusna u diray Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaabka ay u wajahday colaadda ka oogan magaalada Laascaanood.

“Dowlada federaalka masuuliyadii ka saarneyd Laascaanood iyo Sool wey gabtay. uma dhaqmin sidii dowlad Soomaaliyeed gacanta u laaban waxaan u rajeynaynaa iney iska furto oo dadkaan badbaadadiisa qeyb ka ahaato” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray in iyadoo dhiig daadanayo oo dad badan lagu laynayo Laascaanood DF hadalkeeda ugu horeeya laga rabay inuu ahaado sidii ay dhiiga u joojin laheyd, nabadana loo soo celin lahaa.

“Wax laga filaayey ma aheyn iney Somaliland u noqoto gardaro garab og oo ay tiraahdo ergay baan magacownay oo wadahadal baan idinla fureynaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Deni ayaa dhinaca kale fariin u diray maamulka Somaliland: “Dalkan iyo dadkan ILAAHAY  baa isbaday waa ehel waa is dhaleen, taariikhda yeysan idinka xumaan, wixii shalay aad ka dhiidhiseen oo aad laheydeen waa nalagu soo duulay, ficilkeedii mid ka mid ah inaad sameysaan ceeb bay idinku tahay, weli waxaan rajeynaynaa inaad wax iskula hartaan, dadkaan kala tegi maayo deris joogto ahaan ahaaneynaa” ayuu yiri Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadalkan ka jeediyey xalay kulan loogu Mahadcelinayay Gudiyadii Urur Siyaasadeedka KAAH u qaabilsanaa soo xulista musharixiinta Goleyaasha deegaanka ugu tartamaya Ururka Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee loo madlan yahay 25 May 2023.

Madaxweyne Deni ayaa Kulanka ku xusay in Siyaasadda waxqabad ee Ururka ay tusaale u tahay shaqadii Dowladdu qabatay 4-Tii sano ee lasoo dhaafay maadaama Masuuliyiinta Dowladda ay intooda badan Ururkan KAAH ku jiraan, wuxuu muujiyay in waxa ugu weyn ay KAAH dalka ku hoggaamisay ay tahay in dadka talada lagu celiyo oo ay codeeyaan.

Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa ugu baaqay Taageerayaasha Ururka KAAH iyo guud ahaan Bulshada reer Puntland ee isdiiwaangeliyay in ay qaataan Kaadhka cadeynta si ay codkooda u dhiibtaan Maalinta Doorashada 25ka MAY 2023.

- Advertisement -