Madaxweynihii hore ee DDSI oo ugu dambeyn xabsiga loo dhaadhiciyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa oo lagu ilaalinayey guri uu ku leeyahay magaalada Adis ababa xabsiga loo taxaabay.

Warbaahinta Itoobiya ayaa baahisay muuqaalka Cabdi Maxamuud Cumar oo ciidamo ay gaari ku kaxeysanayaan, iyadoo xabsiga loo wado.

Waxaa la xaqiijiyey in dacwad lagu soo oogayo madaxweynihii hore kuwaasoo salka ku haya  dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Telefishinka Itoobiya ayaa shaaciyey in hoyga Cabdi Maxamuud Cumar laga helay hub fara badan oo isugu jiray qoryo, bastoolado iyo rasaas.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii Baarlamaanka degaanka Soomaalida uu shalay gelinkii dambe ka qaaday xasaanadii xildhibaannimo Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo 8 sano ah ka taliyey degaanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -