Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo saaka xiran & ciidankii xasilinta oo mar kale lagu arkay

Qaar ka mid ah Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka shacabku aysan isticmaali karin  meelaha qaar.

Sida wararku nagu soo gaarayaan meelaha xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Jubba, daljirka, wadada 21-ka Oktober, Ceelgaabta, iyo kuwa kale, ciidanka dowladda ayaana  dib u celinaya gaadiidka shacabka guud ahaan.

Ciidamada xiray jidadka ayaa wata dareeskii lagu yaqiinay ciidanka Xasilinta oo horey magaalada looga saaray, dadka qaar ayaana isweydiinaya sababta loo soo celiyey ciidankan, maadaama horey loo shaaciyey in magaalada Boolis lagu wareejiyay amnigeeda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegaya in amar lagu siiyey jidadkan iney xiraan, balse aanay si rasmi ah u ogeyn sababta loo xiray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababo amni darteed wadooyinka loo xiray meelaha qaarna ay ka socdaan howgalo baaritaano ah.

Magaalada Muqdisho oo ah magaalo baaxad leh ayaaney ku cusbeyn in loo xiro jidadka si lama filaan ah sabab kastaba ha ku timaadee, mana jirto cid wax iska weydiineysa saameynta ay shacabka ku yeelan karto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -