Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu xiray

Waxaa magaalada Muqdisho lagu xir xiray Saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan booliiska Soomaaliya, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen Musuq maasuq iyo sidoo kale amar diido.

Taliye ku xigeenka hoggaanka Baarista Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bishaar Abshir Geeddi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xabsiga dhaxe ee Xamar loo gudbiyay 28-ruux oo isugu jira Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Taliye kuxigeenka CID-da in saraakiisha iyo askarta la xiray ay ku eedeesan yihiin dambiyo isugu jira Musuq maasuq iyo sidoo kale amar diido ay ku sameeyeen saraakiisha ka sareysa.

“Waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran askar iyo Saraakiil gaareysa 28 kuwaasi oo ku eedeysan eedeymo ku saabsan dhanka musuq maasuqa iyo amar diido, caqabad ku aheyd shaqada Ciidamada Booliska Somaliyed” Ayuu yiri Bishaar.

Taliye ku xigeenka hoggaanka Baarista Ciidamada Booliska Somaliyed Bishaar Abshir Geeddi ayaa uga digay saraakiisha iyo ciidanka booliiska in ay ku kacaan Musuq maasuq sidoo kale sameeyaan amar diido.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -