Allbanaadir.com
NEWS

Elon Musk oo Dacwad ka gudbinaya Microsoft iyo Waxa uu ku heesto oo la ogaaday

Milkiilaha shirkadda Twitter-ka, Elon Musk, ayaa ku hanjabay in dacwad culus ka gudbin doono shirkadda Tiknoolajiyada Microsoft, uu ku eedeeyay in xogta shirkadiisa Twitterka adeegsaday fasax la’aan .

Elon Musk ayaa sheegay in shirkadda Microsoft ku xad-gudubtay xogta iyo xaquuqda shirkadda Twitterka, waxa uuna cadeeyay in shirkadaasi u maleesay in xogta Twitterka sharci darro lagu adeegsan karo.

Shirkadda Microsoft oo wax laga weediiyay eedeemaha uga yimid milkiilaha shirkadda Twitterka ayey ka gaabsadaan in ay jawaab bixiyaan, waxaana hadda si weyn usoo bannaan baxay khilaafka u dhaxeeya labada shirkadood.

Shirkadda Microsoft ayaa horey u sheegtay ogaysiis ay soo gudbsay, in qeybteeda xayaysiisku “aanay qeyb ka sii ahaan doonin Twitter” laga bilaabo Talaadada 25ka bishan Abriil ee sanadka 2023-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Israa’iil xilli ay dad badan dhimanayaan

Cabdi Cade

Xagee ku dambeeyey amarkii Villa Somalia looga joojiyey ilaalada Wasiirada & Xildhibanada?

Caydiid Ali

Qaraxyo & dilal ka dhacay Suuqa Bakaaraha & amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---