Qaraxyo & dilal ka dhacay Suuqa Bakaaraha & amniga Muqdisho oo faraha ka sii baxaya

Kooxo hubeysan ayaa maanta dil iyo qaraxyo ka geystay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in nin shacab ah lagu dilay agagaaarka isgoyska Bakaaraha, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Dhocey, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadka Boosteejada Suuqa ka rara gaadiidka.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysa.

Waxaa daqiiqado ka dib goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo halkaas ka baaritaano ka bilaabay iyadoo ciidamada amaanku intii ay halkaas joogeen lagu weeraray labo qarax oo loo adeegsaday Bam gacmeedyo.

Labo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen qaraxyadaas kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray ciidamada halkaas ku sugnaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayay maalmahan dilal qorsheysan iyo qaraxyo loo geysanayo dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -