Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Kumaandooska Danab oo howlgalo kawada Howdka Bud-bud (Sawirro)

Ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa howlgalo balaaran kawada howdka deegaanka Bud-bud, halkaas oo la rumeesan yahay in ay ku dhuumaaleesanayaan xubno katirsan Al Shabaab.

Goobaha ay Danab iyo ciidamada la socda howlgalka ka sameeyeen ayaa la sheegay in ay isaga carareen xubno katirsan kooxda Al Shabaab oo halkaasi ku sugnaa, waxa ayna ciidamada wadaan howglada ay doonayaan in Al Shabaab kaga saaraan aagaasi.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali , ayaa sheegay inay kuraad joogaan firxadka horjoogayaal iyo xubno katirsan Al shabaab, kuwaas uu sheegay in at ku dhumaaleysanayeen deegaano ku dhow degmada ceelbuur.

Ciidamada huwanta ah ayaa qorsheenaya howlgalo culus ay ku qaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo hoostaga halkaas oo wali ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab ee duullaanka lagu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kormeeray dekeda Muqdisho & xarumo kale oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo dhagaha ka fureestay Amarkii Dowlada iyo Munaasabad lagu taageerayo oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay Erdogan iyo Waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---