Dhismaha hotelkii ugu casrisanaa Muqdisho oo meel wanaagsan maraya (Sawirro cajiib ah)

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dhismaha hotelkii ugu casrisanaa abid ee laga dhiso caasimada iyo guud ahaan dalka, kaasoo laga hirgelinayo gudaha garoonka Aadan cadde.

Hotelka ayaa haatan la taagay, waxaana dhismihiisa loo adeegsanayaa qalab casri ah oo dibeda laga keenay, isagoo yeelan doona muuqaalka hotelada ugu caansan caalamka ee loo yaqaano Five star.

Mashruucan oo ay ku baxeyso malaayiin dollar ayaa waxaa dhismihiisa fulinaya shirkad Turki ah oo u dhiseysa habka casriga ah ee loo yaqaano (Steel structure).

Waxaa la qorsheynayaa in dhismaha hotelkan uu soo gebagaboobo Bish Apriil ee sanadka soo socda wuxuuna ka kooban yahay 5 Dabaq iyo 115 qol oo isugu jira qolalka jiifka, hoolalka shirarka iyo seminaarada, baarar casri ah iyo goobaha lagu nasto.

FIIRO GAAR AH: Sawirada hoose qaarkood waa dhismaha hotelka iyo halka uu xiligan marayo, kuwa kalena waxay tilmaan ka bixinayaan sida uu hotelku u ekaan doono marka la dhameystiro dhismaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -