Allbanaadir.com
NEWS

Antonio Guterres oo si adag uga hadlay dagaalka Sudan baaqna u diray dhinacyada is haya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka dhiiga badan ku daadanayo ee ka qarxay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan.

Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in magaalada Khartuum ka socdo dagaal dhiig micno darro ah uu ku daadanayo, waxa uuna ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay xabbada joojiyaan.

Waxa uu ka codsaday hoggaamiyaasha ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan in si degdeg ah xabada u joojiyaan dibna ugu laabtaan miiska wadahadalka, si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in xaaladda banii’aadanimo ee ka jirta dalka Sudan ay markii hore aheyd mid halis ah haatana ay isu baddashay masiibo.

Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 100-qof halka dad ka badan kun qofna ku dhaawacmeen, waxaana dagaalka ku barakacay dad ada u badan oo qaarkood xaalado adag heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka SYL iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin hubeysan oo dad badan ku laayey Suuq ku yaalla Magaalada Dallas

Caydiid Ali

DEG DEG: Gaari uu la socday Imaamka beesha Mudulood oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---