DEG DEG: Gaari uu la socday Imaamka beesha Mudulood oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Gaari la sheegay iney la socdeen odayaal dhaqameedyo uu ka mid ahaa Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf ayaa goor dhow lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu warramayaa inay gaysteen ciidamada asluubta ee Xabsiga Dhexe ilaalada ka ah.

Gaariga la rasaaseeyey ayaa waxaa la socday xubno duubab dhaqan ah oo kasoo laabtay gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal sida wararku nagu soo gaarayaan.

Gaariga Imaamka ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay Kontorolka koowaad ee Wadada hormarta xabsiga Dhexe, waxaa lagu rasaaseeyay Koontarolka labaad, iyadoo wararka  intaas ku darayaan in markii hore Ilaalada Asluubta lagu wargeliyay iney gaariga la socdaan duubabka Dhaqanka.

Ilaalo la socotay duubabka dhaqanka iyo ciidanka asluubta ayaa la sheegay iney isweydaarsadeen rasaas xooggan oo daqiiqadado socotay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaar ka mid ah odayaashii la socday imaamka Mudulood ay dhaawacmeen, lamana oga illaa hadda sababta shilkan ka dambeysay.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -