Mid kamid ah Imaamyada Masjidka Xaramka oo la xiray iyo Sababta ka dambeysa

Boqortooyada Sacuudiga ayaan weli wax war ah kasoo saarin xariga Shiikh Salax al-Talib oo kamid ah imamyada Masjidka weyn ee xaramka (Makkah Al Mukaramah), kaasi oo todobaadkan xabsiga loo dhaadhiciyey

Shiikh al-Talib ayaa sidoo kale ah Garsoore maxkamada magaalada Makkah, waxaana si weyn loo hadal hayaa xarigiisa, kadib markii uu todobaadkan khudbad uu jeediyey uga hadlay qorshaha cusub ee isbedalka uu wado Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Wadaadkan ayaa dhaliilay go’aanka ay Boqortooyada dib ugu fasaxeyso in haweenka iyo ragga ka wada qeyb galaan goobaha iyo xafladaha ay dadka isugu yimaadaan, qorshahaasi oo uu dhaqan geliyey Maxamed Bin Salman.

Inkastoo wadaadkan oo kamid ah xubnaha ka tirsan culumada dalkaasi ee taageeri jiray Boqortooyada uusan wax dhaliil si gaar ah ulla beegsan Maxamed Bin Salman ama Boqrotooyada dalkaasi, hadana waxaa la rumeysan yahay in khudbadiisii ugu danbeysay ay sabab u tahay xarigan uu muteystay.

Baraha uu wadaadkan ku lahaa Twitterka ayaa sidoo kale hawada laga saaray.

Maaha wadaadkii ugu horeeyey oo ay dowlada Sacuudiga xirto, waxaana weli xabsiyada dalkaasi ku jira wadaado badan oo ay dowladu ku eedaysay in ay qaarkood xiriir la leeyihiin Ikhwaan Muslimiinka, halka kuwo kalena loo heysto inay aflagaadeeyeen Boqortooyada dalkaasi ka arrimisa.

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu dhaxal-sugaha xabsiga dhigay tiro wadaado ah oo uu isagu arko inay kasoo horjeedaan qorshihiisa iyo waliba qaar kale oo iyagu daabacay qoraalo lagu dhaliilayo Qoyska Boqortooyada.

Waxaa kamid ah xubnihii sanadkii hore la xiray Safar al-Hawali oo daabacay buug uu uga hadlayo xiriirka ka dhaxeeya Israel iyo Qoyska Boqortooyada Sacuudiga.

Culumaa’udiinka Salafiga ee awooda kuleh dalka Sacuudiga iyo Boqortooyada dalkaasi ka talisa ayaa muddo dheer soo lahaa isbaheysi, iyagoo horey ugu heshiiyey in midba midka kale taageero balse tan iyo intii dhaxal-sugaha loo magacaabay Maxamed Bin Salmaan ayey arrintan isbedashay, maadaama MBS uu sheegay inuu doonayo inuu gebi ahaan bedalo nidaamkii iyo shuruucdii horey wadankaasi uga jiray.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -