Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)

Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku saameeyeen qeybo ka mid ah dalka ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Gargaarkan ayaa waxaa ku deeqay dowlada talyaaniga wuxuuna ka kooban yahay cuntooyin nafaqo leh, dawooyin, bustayaal teendhooyin iyo waxyaabo kale.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ku sugan garoonka Aadan cadde ayaa danjiraha talyaaniga u fadhiya dalka ka gudoomay deeqdan.

Talyaaniga ayaa noqonaya dowladii ugu horeysay Yurub ee si toos ah dalka u keenta gargaar loogu talo galay dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo roobabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada Israel oo Gaza ku qaaday Weerar Dhulka ah

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Taliban oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah

Caydiid Ali

Xildhibaanada Galmudug oo telefanada dansaday & dad badan oo baadi goobaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---