Puntland oo shaacisay magacyada dad ay ciidamada Somaliland ku dileen Laascaanood

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa looga hadlay arday la sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ku dileen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Puntland ayaa sheegtay in Somaliland dilal joogta ah, caburin iyo dhibaatooyin kalaba ay ku heyso shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood, waxa ayna Puntland dhibaatada ka taagan Laascaanood la wadaagtay Hay’adaha u dooda Xaquuqda Aadanaha.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu soo bandhigay magacyada labo qof oo la sheegay in ay dileen ciidamada maamulka Somaliland iyo qof kale oo iyana dhaawac culus la gaarsiiyay

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -