Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yuusuf Madaale oo jid dhaxdiisa kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta socod uu ku maray qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo xaalada ammaan iyo mida nadaafadeed ee ka jirta.

Duqa Muqdisho ayaa intii uu socodka ku jiray la kulmay qaar ka mid ah odayaasha iyo bulshada qeybo kamid ah oo ku dhaqan goobaha uu tagay, waxa uuna kaga dhageystay xaaladda xaafadaha ka jira ,isagoona ka dhageestay talooyin muhiim ah.

Yuusuf Madaale ayaa la wadaagay bulshadii uu la kulmay in Maamulka gobolka Banaadir u-diyaar garoobayo olole ku aadan dhinaca nadaafada iyo bilicda caasimada, maadaama la guda galay xilli roobaad.

Guddoomiyaha bulshada uu la kulmay kula dardaarmay in lagu garab siiyo maamulada degmooyinka bilicda iyo nadaafada Caasimada, isla markaana wada-shaqeyn dhaw lala yeesho maamulada iyo laamaha amaanka si loogu hortago kuwa maleegaya falalka ammaan daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Itoobiya oo Magaaloyin cusub qabsaday & TPLF oo War yaab leh soo saartay

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Puntland

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen iyo Wasiirka Difaaca oo gaaray Diinsoor iyo xogta safarkooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---