Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Biixi: “Waxaan dejiney qorshe ka dhan ah weerarada Al-shabaab ee xeryaha ciidanka”

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in xal loo helay, lana dejiyey qorshe ka dhan ah weerarada kooxda Al-Shabaab ku soo qaadaan xeryaha ciidamada.

Waxa uu intaa ku daray in mar dambe aysan dhici doonin inay weerar gaadma ah ku soo qaadan Shabaab xeryaha ciidamada, ama xitaa haweystaan xarumaha ciidanka.

“Qorshe iyo xeelad cusub oo ka dhan ah weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada ayaan dejinay, haday wax isku hayaan hadda ha soo weeraraan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo aan faahfaahin qorshaha iyo xeelada ay dejiyeen.

“Maalinba maalinta ka dambeysa khibrad ayaa nooga siyaada dagaalkooda, oo waan baranay raggan, Ma dhaceyso mar dambe inay u suurowdo weerar” ayuu yiri taliyaha ciidanka Dhulka.

Jen, Biixi ayaa sheegay in looga gaashaantay dhagarta Al-shabaab isla markaana aysan dhaceyn iney mar kale dhibaateeyaan ciidamada iyo shacabka ama u hanjabaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro rogaal celin ah mararka qaar ku soo qaada xeryaha ciidan ee deegaanada laga xoreeyay qaarkood, kuwaasoo inta badan ay ku soo beegaan xiliga subaxa hore ee aroornimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyada Mareykanka oo ka hadlay Booqashadiisii Somalia

Caydiid Ali

Maxaa Loo Dili Lahaa Xasan Sheikh – Maxaase Ciidamada Asluubta Geeyay Baraha Baarista Caasimadda?

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre kulan la qaatay xubno katirsan Baarlamaanka EAC (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---