Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Booliiska oo tagay Safaarada Sacuudiga Dalabna hor-dhigay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin iyo xubno la socday ayaa maanta booqday Safaarada dowlada Sacuudi Carabiya ku leedahay magaalada Muqdisho

Taliyaha waxaa xarunta Safaarada ku soo dhaweeyay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya magaalada Muqdisho, Mudane. Danjire. Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Xarunta safaarada waxaa kulan ku yeeshay taliyaha booliiska iyo safiirka, waxa ayna kawada hadleen sidii safaarada Sacuudiga ay uga qeyb qaadan laheyd garab istaagga dhismaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, iyada oo Taliyuhu uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta diiran uu u sameeyay.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa tan iyo markii la magacaabay la kulmay qaar kamid ah safiirada Soomaaliya u jooga dowladdo dhowr ah, waxa uuna taliyaha safiirada taageero uga raadinayay ciidanka booliiska Soomaaluyeed.

Related posts

RW Khayre oo magacaabay guddiga Badbaadinta & soo Celinta Hantida Qaranka (Akhriso)

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay bartii Instagram ee laga jabsaday Villa Somalia

Caydiid Ali

Axmed Madoobe & golihiisa Wasiirada oo shir xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---