Sidee Fahad Yaasiin ku helay dhalashada iyo Baasaboorka dalka Kenya? (Daawo Sawirro)

Dowlada Kenya ayaa baareysa sida uu mas’uul ka tirsan dowlada Fedaraalka Soomaaliya ku qaatay Baasaboorka iyo Kaarka Dhalashada Kenya ee loo yaqaan Kibandha, isagoo isticmaala marka uu u safrayo dibada.

Wargeyska Daily Naition Mr. Fahad Dahir (Fahad Yaasiin) oo ah taliye ku xigeenka cusub ee Laanta sirdoonka Soomaaliya ayey saraakiil ka tirsan dowladda Kenya sheegeen inuu heysto Baasaboor lambarkiisu yahay C024542 iyo karaka dhalashada ee lambarkiisa lagu sheegay 22847167.

Laanta sirdoonka Kenya ayaa sheegtay inay hadda baaritaan ku heyso sida ay ugu suuragashay in Fahad Yaasiin inuu qaato sharciga Kenya.

Dhanka kale Mr. Dahir oo loo yaqaan Fahad Yasiin ayaa sheegtay inuu ku dhashay degaanka lagu magacaabo is-maamulka Mandera sanadkii 19 July sanadii 1978-dii.

Aqoonsiga kibandhaha ee uu wato ayaa muujinaya isna muujinaya inuu dhashay 5-tii April sanadii 1978 sharcigana uu ka qaatay bariga Mandera sanadii 2001-dii.

Agaasimaha dhanka socdaalka ee dalka Kenya Mr Gordon Kihalang’wa ayaa arintaan xaqiijiyey maanta oo isniin ah, balse waxaa uu diiday in uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo, isagoo ku gaabsaday inuu baaritaan socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -