RW Kheyre oo soo gebagebeeyey la xisaabtanka golihiisa Wasiirada (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga 2aad ee Barnaamijka uu kula xisaabtamayey xubnaha Golaha Wasiiradda  ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Wasiiradda maanta Ra’iisul wasare khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , wasiirka  shaqada iyo Arrimaha bulshadda, wasiirka  xanaanada xoolaha , wasiirka Boostadad iyo isgaarsiinta , wasiirka Amniga iyo wasiirka  Ganacsiga iyo warshadaha , isagoo  wasiir kasta  oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigaey waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha xukumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekayn kaliya Wasiiradda balse cid kasta lala xisaabtami doono oo dowladda mas’uuliyada u haysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka yahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Dhinaca kale,  Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciid Al-adxa, una rajeeyay in ay sannadkaan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

“Waxa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciid Al-adxa. Waxa aan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed xasuusiyay muhiimmadda ay munaasabaddani u leedahay sugidda amniga, la dagaalanka musuqa iyo dib-u-heshiisiinta.

“Waxa aan rabaa in munaasabadan aan uga faa’iidaysto maalintan barakaysan muhiimmada ay u leedahay in lees cafiyo, kulligeen gacmaha is qabsanno, soo celinno dawladnimada, ka wada shaqayno amniga iyo xasiloonida, dib-u-heshiisiinta iyo muhiimmadda ay leedahay in aan isla xisaabtanno oo meel uga soo wada jeesanno musuqmaasuqa”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.

  Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -