Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse oo sheegay in Somalia dhowaan ka xoroobeyso saddex arrimood oo la degay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee AMISOM loo beddelay ATMIS, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aadden nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayey horumarka laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo wax uu ugu yeeray kooxaha Khawaarijta ah, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ku guuleystay  xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo muhiim ah, kuwaasoo hadda xor ah, dowladduna ay ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xukuumadda DanQaran oo dagaalka al-shabaab ku wajahday dagaal saddex Jiho ah oo muhiim ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay horseedday jab-xoog leh. Waxa uu intaa raaciyay in waddamada dariska ah ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirka al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada Caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saud al-Mojeb oo kiiska dilka Wariye Jamal Khashoggi u tagay Turkiga

Cabdi Cade

DF oo shaacisay in Al Shabaab dhaqaale badan ku bixiyaan hurinta Dagaal beeleedyada

Cabdi Cade

Cali Dheere oo ka hadlay qorshe Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah dalka lagu soo gelinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---