Xiisad u dhexeysa ciidanka Somaliland iyo dadka degaanka oo ka taagan Ari-cadeeye

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa Rasaas xoogan oo ka dhacday magaalada Adhi Cadeeye oo Laascaanood u jirta 30-km ka dib markii ay dad shacab ah banaanada iskugu soo baxeen oo ay jidka xirteen, iyadoo ay Somaliland doonaysay in ay mariso baabuurta sida meydka iyo dhaawaca ciidankooda ka dagaalamaya Laascaanood

Waxaa illaa hadda la xaqiijiyey dhaawaca labo ka mid ah hooyooyinka magaalada oo Somaliland xabado ku riday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Sidaasoo kale wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta ee magaalada ay waxyeelo u geysteen ciidanka Somaliland, baabuur ka mid ah kuwa ciidamada Somaliland ayaana qalibmay halkaas kaasoo ay dhaawacyo ka dhasheen.

Somaliland ayaa wadada Ari-cadeeye u isticmaasha saadka ciidamadeeda ku sugan duleedka Laascaanood, waxaana xabadan cusub ay ka dhignaanaysaa wajiga dagaalka oo isbedelaya.

Dadka deegaanka ayaa diidan in la dhexmariyo gaadiidka Somaliland, waa Talaabadii koowaad ee laga diwaangaliyo jidka laamiga ah oo ah kan u furan ciidanka Somaliland ee uu maro gurmadka iyo dhaawacyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -