Ciidamada Somaliland oo qabtay Maxaabiis uu ku jiro Xildhibaan iyo Gaari Dagaal (Sawirro)

Waxaa saakay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada SSC ee taabacsan dadka deegaanka Laascaanood.

Dagaalka saakay ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid aad u xooggan oo la is dhaafsaday hub nuucyo kala duwan leh , waxaana wali qeybo kamid ah duleedka Laascaanood ka soconaya dagaalka.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in mar kale iska difaaceen duullaan kaga yimid dhinaca maamulka Puntland iyo kooxo kale oo hubeesan, waxa ayna sheegeen in ay jabiyeen ciidankii soo weeraray.

War kasoo baxay maamulka Somaliland ayey ku sheegeen in dagaalka ku qabteen maxaabiis dhoor ah uu ku jiro xildhibaan horey isaga casilay  baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Faarax Maxamed Dalmar.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale soo bandhigay gaari dagaal uu ku xiran yahay qoray iyo hub kale ay sheegeen in saakay ku qabsadeen dagaalka ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -