Allbanaadir.com
NEWS

Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday goob Raashin lagu qeybinayay

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay isbuurasho ka dhacday goob raashin bilaash ah lagu qeybinayay oo kutaalla magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Inta la xaqiijiyay isbuurashada ka dhacday magaalada Karachi waxaa ku dhintay 11-qof oo u badan haween iyo carruur, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacyada soo gaareen lagula tacaalayaa xarumo caafimaad.

Isbuurashadan dadka badan ku dhinteen ayaa ka dhacday barxadda wershedda magaalada Karachi, waxaana halkaasi raashin loogu tala galay in bisha Ramadaan uga baxaan loogu qeybinayay dad shaqaale ahaa.

Dowladda ayaa sheegtay in goobta raashinka lagu qeybinayay ay kusoo qamaameen dad kale oo badan, kuwaa oo iyana doonayay in wax ka helaan raashinka, waxaana halkaasi ka dhacay is riix riix sababay in dadka qaar dhacaan laguna dul istaago.

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan ayaana amray in raashin gar gara loo qeybiyo dad badan oo sabool ah oo kunool dalkaasi, waxaana raashin qeybintan khasaaraha dhalisay kusoo aaday xilli lagu guda jiro bisha Barakeesan ee Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Puntland oo ajaaniibtii ugu badneyd ka dilay Daacish

Caydiid Ali

Xayawaankii ugu horeeyay oo laga helay Cudurka halista ah ee Caronavirus  !!

Cabdi Cade

Dalbashada Baasaboorka Soomaaliga oo hakad la galiyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---