Sargaal Ciidan oo lagu dhaawacay qarax lala eegtay Caawa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca waqooyi ayaa sheegaya in caawa halkaasi ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray oo dhaliyay khasaarooyin  kala duwan.

Qaraxan ayaa la sheegay in gaari uu watay loogu soo xiray dambi baare katirsan saldhigga booliiska waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland oo lagu magacaabo Gaandi Boobale, waxaana qaraxan ku dhaawacmay sargaalkan ciidan iyo labo qof oo kale.

Dhaawacyada sargaalka iyo dadka kale ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday isbitaal kuyaalla waqooyiga Gaalkacyo, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska Puntland oo baaritaano ka sameeyay.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa lagu dhaawacay dambi baarahan katirsanaa booliiska Gaalkacyo, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan caawa ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -