Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidan uu watay Jen. Caanood lagu qarxiyey gobolka Shabeelaha hoose

Qarax Miino ayaa duhurnimadii manta ka dhacay Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood oo ka tirsan gobola Sh/hoose kaasoo lala eegtay ciidan uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo ka mid ahaa saraakiil shalay xilalka laga qaaday.;

Qaraxa ayey wararku sheegayaan inuu qabsaday mid ka mid ah 46 Cabdi Bille oo uu watay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gen. Caanood uu tan iyo xalay ciidan badan ku urursananay degaanada ku dhaw degmada Afgooye, iyo Laanta Buuro.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Abaanduulaha iyo kolonyadiisa ay barkhanimadii maanta ka dhaqaaqeen Afgooye, ayna ku sii jeedeen dhanka Shalambood, balse uu qaraxa ku qabsaday wadada.

Saraakiil ka tirsan Miilatariga Soomaaliya ayaa waxa sheegay qaraxaasi inuu burburiyay gaariga, isla markaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa, balse uu bad qabo Gen. Caanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Jeyte oo Shaaciyay in Dagaalkii Al Shabaab isaga haray eedeyna u jeediyay Dowladda

Cabdi Cade

Laftagareen oo tababar u xiray ciidamo ka tirsan daraawiishta K/Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Khaliif A Cumar iyo Amb Mahmet Yilmaz oo arin Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---