Taliyaha Danab oo ka hadlay Wararka Sheegaya in Ciidankooda ka dagaalamayaan Laascaanood

Muddooyinkii dambe waxaa warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahiyay warar sheegayay in saraakiil iyo ciidamo katirsanaa kumaandooska Soomaaliya ee Danab ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha ciidamada kumaandooska ee Danab Korneel Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidankooda xubno katirsan qeyb ka yihiin dagaalka u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood.

Qoraal uu taliyaha Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamada Danab ku jiraan dagaalka Laascaanood, waxa uuna beeniyay sargaal katirsanaa ciidankooda in dagaalka lagu dilay.

“Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021.Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Korneel Beeryare.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Danab ujeedkooda uu yahay in ay la dagaalamaan kooxaha argagaxisad ah, waxa uuna cadeeyay in ciidamada Danab marnaa ka weecaneyn ujeedkooda ayna qeyb ka noqoneyna dagaalada salka ku haya arrimaha qabiilka.

Warkan kasoo baxay taliyaha ciidamada Danab ayaa imaanaya xilli dhawwaan la shaaciyay in dagaalka Laascaanood lagu dilay nin taliye uga soo noqday guutada afaraad ee ciidamada kumaandooska ee Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -