(Akhriso) Xukuumada Somalia oo soo saartay amar ku socda Ganacsatada Dawooyinka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amarro lagu xakameynayo isticmaalada dawooyinka oo ay sheegtay in lagu yareynayo waxyeellaada caafimaad ee ka dhalata.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Ayadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo kuwaas oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.”

Amarada ayaa waxaa ka mid ah in la billaabay in si ku-meel gaar ah loo diiwaangelinayo dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawayaqaanka bixin kara daawooyinkaas.

Wasaaradda ayaa fartay dhammaan Istibaallad Danta Guud iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadibna dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, ay wasaaraddu siin doonto diiwaangelin ku meel gaar ah oo la xiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas (Controlled Substances License).

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -