Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xi Jinping oo si diirran loogu soo dhoweeyey Moscow (Sawirro)

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta gaaray magaalada Moscow, isaga oo sheegay in booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Ruushka, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine ay “dardar cusub” gelin doonto xiriirka labada dal.

“Waxaan ku kalsoonahay in booqashada ay miro dhali doonto, islamarkaana dardar cusub siin doono xiriirka caafimaadka qaba ee degan ee Shiinaha iyo Ruushka,” ayuu yiri isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Moscow, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka Ruushka.

Xi ayaa waxaa roog cas kusoo dhoweeyey saraakiisha militariga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ruushka Dmitry Chernyshenko.

Xi ayaa xiriirka labada dal ku qeexay inuu galayo “waa cusub” isaga oo ku celiyey hadallo uu toddobaadkii tegay jeediyey Yuri Ushakov, oo ka mid ah kaaliyayaasha Kremlin-ka, kaasi oo sheegay toddobaadkii tegay in Xi iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay saxiixi doonaan dokumentiyo xaqiijin doona xiriir sidan ka dhow.

“Dunidan isbeddelka badan, China waxay sii wado doontaa inay Ruushka kala shaqeyso ilaalinta hanaanka caalamiga ah oo QM xuddun u tahay,” ayuu yiri Xi, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka Ruushka.

Wuxuu sidoo kale Shiinaha iyo Ruushka ku qeexay “deris wanaagsan” iyo “saaxiibo la isku haleyn karo.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jawaari oo oo isaga soo tagay Baydhabo Shaacana ka qaaday waxyaabo badan uu la yaabay !

Cabdi Cade

Internetka Muqdisho oo soo laabtay Saacado uu hawada ka maqnaa

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Nin dil geystay 40 sano ka hor oo ugu dambeyn gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---