Faahfaahin: Kulankii Deni iyo Beesha caalamka ku yeesheen Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo hawlo shaqo u jooga Nairobi ayaa Maanta Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Madax ka tirsan Beesha Caalamka, gaar ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya sida UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo World Bank.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland Shirka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:-

  1. Arrimaha horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.
  2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool
  3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Dowladda Puntland horay u caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey hormarka ka socda Puntland oo ay ugu horeyso in barnaamijka doorashooyinka uu si habsami leh u socdo iyo dhammeystirka is diwaangelinta codbixiyaasha. Waxay si gaar ah u bogaadiyeen in Dowladda Puntland galisay dhaqaale ka badan kan ay deeq bixiyaashu ku bixiyeen illaa hadda sida lagu sheegay qoraalka Puntland.

Warar madax banaan ayaa sheegaya oo kulankaas ku dhow ayaa sheegaya in wakiilada beesha caalamka ay ku canaanteen Madaxweyne Deni talaabada uu uga baaqday shirkii golaha wadatashiga ee lagu soo gebagebeeyey magaalada Baydhabo.

“Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah waxa ay maanta la kulmeen Madaxweynaha Puntland, waxaana hoosta laga xariiqay muhiimadda ay leedahay in Puntland si wanaagsan ugu lug lahaato horumarka dawlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ku jirto ka-qayb galka kulamada Golaha Wadatashiga Qaran” Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa la soo sheegayaa iney ka war wareegtay aqbalaada dalab uu u gudbiyey Deni oo ahaa in qoondada Puntland ka hesho deeqaha Somalia loogu talo toos loo siiyo maamulka oo aan loo soo marinin dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -