Somaliland oo dil ku xukuntay Maxaabiis ay ku qabtay dagaalka Laascaanood

Somaliland ayaa sheegtay in 9 maxbuus oo ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood ay soo taagtay maxkamad milateri, waxaana lagu soo eedeeyey qodobada 184, 185, 187aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ka hadlaya inay Khiyaano-Qaran sameyeen, cadow la safteen kuna soo duuleen wax logu yeeray Qaranimada Somaliland.

Maxkamadda ayaa dhamaan maxaabiistan dil toogasho ah ku xukuntay, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo rasmi ahna waxaa loo gudbiyey Xabsiga Mandhera ee magaalada Hargeysa.

Xukunka waxaa loo cuskaday Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dawlad gobaleedyada iyo Dawladda faderaalka Soomaaliya, kaasoo ay qortay dowladii kacaanka.

HOOS KA DAALACO MAGACYADA MAXAABIISTA IYO QODOBADA LOO CUSKADAY XUKUNKOODA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -