Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Safiirka cusub ee dowladda Itoobiya ayaa u sheegay Ra’isul Wasaare Xamse Barre in Itoobiya diyaar u tahay garab siinta dowladda gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Al Shabaab.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ciidamo badan oo Itoobiyaan ah dalka soo galeen lana filayo in ay ka qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee dib uga bilaabanaya qaar kamid ah gobolada dalka.

- Advertisement -