Faah Faahin laga bixiyay Geeridii ku Timid Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya

Allaha u naxariisee waxaa maanta magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta ku geeriyooday C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii dastuurka Xukuumada federaalka Somaaliya.

Wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo Dubai la joogay Wasiirka Geeriyooday ayaa sheegay in xalay uu kusoo booday xanuun deg deg ah lana geeya Isbitaalka uu maanta ku geeriyooday.

Waxa uu sheegay Wasiirka Waxbaarshada Soomaaliya in Marxuun Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil dalka Imaaraadka Carabta u tagay in uu ka qeyb galo arooska gabadhiisa oo lagu waday in halkaasi ka dhaco.

“Innaa lillaah wa inaa ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, waa meel loo wada socdo, runti xanuun kusoo booday ayuu ahaa. Waxaan Dubai isugu nimid inaan u gabadhiisa arooskeeda sameyno, laakiin nasiib darro ayaa dhacday, wuu xanuunsaday, markii isbitaalka la geeyayna wuu kasii daray, xalay wuxuu ku baryay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee isbitaalka, ugu dambeynna goor dhaweyd oo maanta ah ayey naftu ka baxday,” Ayuu yiri Wasiire Goodax.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in Meydka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya loo soo qaadi doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka si aas heer qaran ah loogu sameeyo.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxtinta leh ee ku timid Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa sharci yaqaan xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -