Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maqaayado Waa weyn oo la xiray kadib markii ay ka cunteeyeen Haween aan xirneen ….

Maqaayado waa weyn oo kuyaalla bartamaha magaalada Qom ee dalka Iiraan ayaa la xiray, kaddib markii la sheegay in maqaayadahaasi ka cunteeyeen kana adeegteen haween aan xirneen indho shareer.

Amar kasoo baxay saraakiil katirsan ilaalada Kacaan ee Iiraan ayaa lagu xiray saddex maqaayad oo kutaalla magaalada Qom, waxaana maamulka maqaayadahaasi lagu eedeeyay in ay xadgudub sameeyeen.

Bayaan kasoo baxay ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in lagu xiray saddex maqaayadood oo lagu qaxweeyo oo kuyaalla Qom, sababo la xiriira xad-gudubyo badan iyo in maaqayadahaasi ka cunteeyeen haween bilaa indho shareer ah.

Ciidamada booliiska magaalada Qom ayaa u yeeray maamulka maqaayadaha kahor inta aan la xirin, waxaana maamulka lagu wargaliyay dambiyada loo heesto iyo sababaha loo xiray maqaayadahooda.

Magaalada Qom oo 150-km dhinaca koonfur ka xigta magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan ayaa ah magaalo shiicadu qadariyaan, waxa ayna aaminsan yihiin shiicada in magaaladan kusoo laaban doono  imaamka laba iyo tobnaad ee Shiicada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Amar cusub la siiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga (Sawirro)

Cabdi Cade

Rooble & danjire Larry Andre oo kormeeray hoolka lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---