Daraasad laga sameeyey Muslimiinta ku nool Norwey oo arrimo argagax lagu ogaaday

Sanadkii la soo dhaafay ee 2022, waxaa dalkan Norway soo galay ku dhawaad 58.000 qof oo ajnabi ah, taasoo tirada ajaaniibta Norway ku nool ka dhigeyso inay tiro ahan gaarayaan 877.000 qof, Sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay wakaaladda tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB.

Ajaaniibta ugu badan ee sanadkii hore soo galay Norway ayaa ah dad kasoo jeedo dalka Ukraine ee colaaduhu ay ka socdaan, waxaana sanadkii hore oo kali ah Norway dib u dajin looga sameeyay 30.000 qof oo Ukraine kasoo jeeda.

Ajaaniibta kasoo jeeda dalka Ukraine ayaa hada ah qawmiyada sadexaad ee ugu badan ee ajnabiga ah ee Norway kunool. Waxeyna booska kala baxeen Soomaalida oo tobankii sano ee ugu danbeeyay ahaa ajaaniibta ugu badan ee Norway kunool, marka laga reebo dadka kasoo jeedo dalalka Poland iyo Lituania.

Dhinaca kale, Ku dhawaad kala bar dadka muslimiinta ah ee Norway ku nool ayaa dareemayo inaysan boos ku laheyn mujtamaca Norway. Waxaa sidaas lagu sheegay

Daraasad dhawaan la sameeyay oo ay ka qeybgaleen 821 qof oo muslimiin ah. Wax ka badan 40% dadka muslimiinta ah ee warbixintan ka qeybqaatay, ayaa sheegay inay dareensayihiin inaysan qeyb ka aheyn bulshada Norway, ayna dareemaan cunsuriyeyn iyo takoor joogto ah oo diintooda lagu faquuqayo.

wax ka badan 30% dadka muslimiinta ah ee warbixintan lagu wareystay ayaa sheegay inay qariyaan diintooda, iyaga oo ka cabsi qabo inay la kulmaan falcelin guracan iyo takooris..

Ragga iyo haweenka muslimiinta ah ee daraasadda lagu wareystay ayaa sidoo kale sheegay in shaqadooda laga xanibay sababo la xiriiro diintooda, halka mid ka mid ah afartii qof ee la wareystay ay sheegeen in goobaha dadweynaha ay kula kulmeen cunsuriyad iyo faquuq uga imaanayo dad aysan aqoon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -