Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka laabtay Qoraal uu soo saaray Raali gelina siiyay Ra’isul Wasaare Xamse

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa raaligelin ka bixiyay qoraal uu dhawwaan soo saaray uu uga hor yimid guddi uu magacaabay wasiir Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Saalax Shariif Sayid Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku qaadacay guddiga adeegga Xajka sanadka 1444/2023 uu magacaabay wasiirka diinta iyo owqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sida aan wararka ku helnay wasiir kuxigeenka ayaa qoraalka uu soo saaray kala kulmay canaan kaga timid Ra’isul Wasaare Xamse Barre, waxaana lagu qasbay in uu raali-gelin ka bixiyo qoraalkii uu horey usoo saaray.

Qoraal uu soo saaray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayuu ku shaaciyay in uu ka laabtay warqadii uu soo saaray, waxa uuna raali geliyay Ra’isul Wasaaraha Xamse Barre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mursal oo caqabad ku noqday in cod lagaliyo mooshinka matalaada G/Banaadir ee aqalka sare

Cabdi Cade

Shirkii Madaxda DF & dowlad goboleedyada oo maanta furmaya & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Jen. Mahad oo Eedeyn culus u jeediyay Ilaalada Xasan Sheekh Raali galina dalbaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---